Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda UNDP, oo ay hogaaminayso Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Jacqueline Olweya.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Ku-xigeenka Madaxa UNDP ee Soomaaliya Jacqueline Olweya ayaa ka wada hadlay mashaariicda hada socda ee UNDP ka wado Puntland iyo kuwa qorsheysan in la fuliyo.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo uga mahadceliyey UNDP mashaariicda ay ka wado Puntland, ayaa u gudbiyey Madaxda UNDP in waxqabadkooda ay ku saleeyaan hadba baahida ka jira deegaanada.
Kulanka uu Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash la yeeshay Ku-xigeenka Madaxa UNDP ee Soomaaliya Jacqueline Olweya, waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wakiilka UNDP ee Puntland Muuse Ducaalle iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.