Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid Go’aankii Golaha Guurtida

0
563

Kadib ay Maanta gaar ahaan Xarunta Xisbiga Waddani ee Hargeysa ay ku yeesheen xisbiyada mucaaradka Soomaaliland  ee UCID iyo WADDANI ayaa waxaa ay uga horyimaadeen Guddiga doorashada Soomaaliland iyo go’aankii guddiga Guurtida ee muddo kordhinta loogu sameeyey Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Kulankooda oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ay kasoo saareen War-saxaafadeed ay ku sheegeen in Madaxweynaah Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu maroorsay taladii dalka,isla markaana uu u dhaqmayo si kali talisnimo.

War-Saxaafadeedka oo uu Warbaahinta u Akhriyey Pro Abyan ayaa waxaa lagu sheegay inay go’aan ku gaareen inaysan la Shaqeyn Guddiga Cusub ee doorashadooyinka Soomaaliland inta ay ku jiraan Xubno lagu muran san yahay .

Sidoo kale waxaa ay Xisbiyada mucaaradka Soomaaliland ay sheegeen inay kasoo horjeedaan muddo kordhinta ay golaha guurtida u sameeyeen xubnaha Golaha Wakiilada Soomaalilanmd,isla markaana aan lagala tashan.