Wararka Madaxweynaha Jubbaland oo la xisaabtanka Wasiirada ka wadda Kismaayo

0
531

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Sabti 23- Nofeembar – 2019 ka dhageystey warbixinta waxqabadka sanadlaha ah ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Ibraahim Maxamuud, Wasiir kuxigeenka Axmed Handal , Agaasimaha guud Axmed Cusmaan Siyaax iyo iskuduwayaasha Wasaarada ayaa warbixin dheer kasiiyey Madaxweynaha waxqabadkooda sanadlaha ah, caqabadaha jira iyo hiigisooga sanadka xiga.

Agaaasimaha wasaaradda ayaa jaantus kusoo bandhigey waxqabadka Wasaaradda ee sanadkan taas oo uu si qoto dheer sharraxaad uga bixiyey waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomey sida:-

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa qoraal ahaan ugu gudbiyey Madaxweynaha caqabadaha jira ee u baahan in xal waara laga gaaro si Gobol, Degmo, Magaalo iyo Tuulaba loo gaarsiiyo nidaamka waxbarasho ee dowliga ah.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka iyo guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda uga mahaceliyey shaqada balaaran ee ay qabteen sidoo kalena ku dhiiri galiyey himilooyinka miisaanka culus ee ay hiigsanayaan.

Barnaamijka dhageysiga warbixinada wasaaradaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa looga golleeyahay hubinta sida ay Wasaaradaha iyo shaqaalaha Dowladu adeegyada Dowliga ah u gaarsiiyaan bulshada iyo deegaanada Jubbaland.