Taliska Ciidanka Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa soo bandhigay Khamri, Xashiish, toorayo iyo agab kale oo ay adeegsadaan dhalinyarada kooxaha u abaabulan ee dhaca iyo furashada ka gaysta gudaha magaalada. Taliyaha Ciidanka Booliska Nugaal ayaa sheegay in hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha Garoowe ay ku soo qabteen dhalinyaro kooxo u abaabulan oo dhibaato dhac iyo furasho u gaysta dadka shacab ah, kuwaasi oo inta badan adeegsada maandooriyaal halis ah sida khamriga iyo Xashiishka. Waxa ay sidoo kale sheegeen Saraakiisha Ciidanka Maandoriyaashan dhalinyaro keliya lagu soo qaban, balse waxa jira dad kale ka ganacsada khamriga iyo xashiishka iyo qaar isticmaala oo si dhuumasho ah gudaha magaalada ku soo geliya.

0
516

Darawalada kaxeysa Gaadiidka Dadweynaha ay raacaan ee loo yaqaan Bl-ka ee ka Shaqeeya Magalada Muqdisho ayaa Maanta dhigay banaan bax ay uga cabanayaan lacago dheeri ah oo ay sheegeen in uu kusoo rogay maamulka gobolka Banaadir .

Darawalada banaan baxa dhigayay ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in ay dhibaatooyin ku qabeen markii hore wadooyinka xiran hadana uu maamulka gobalka banaadir ugu siidaray lacago xad dhaaf ah oo laga doonaayo in ay dhiibaan , kuwaasoo laga joojiyay markii Wadooyinka la xiray.
Waxa ay sheegeen gadiidleeydaani in aysan awoodin in ay bixiyaan lacagaha lagu soo rogay balse ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan canshuurta hadii wadooyinka loo furo.

Banaanbaxyadaan ayaa sigaar ah uga socda Isgoysyada Afarta Darjiin, Fagax iyo Towfiiq.

Sidoo kale waxa ay sheegeen lacagta lagu soo rogay oo ah 2 doollar taas oo markii hore laga qaadi jiray balse laga joojiyay markii wadooyinka la xeray balse hadda, iyada oo aan lafurin wadooyinka dib loogu soo celiyay