Taliska Ciidanka Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa soo bandhigay Khamri, Xashiish, toorayo iyo agab kale oo ay adeegsadaan dhalinyarada kooxaha u abaabulan ee dhaca iyo furashada ka gaysta gudaha magaalada.
Taliyaha Ciidanka Booliska Nugaal ayaa sheegay in hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha Garoowe ay ku soo qabteen dhalinyaro kooxo u abaabulan oo dhibaato dhac iyo furasho u gaysta dadka shacab ah, kuwaasi oo inta badan adeegsada maandooriyaal halis ah sida khamriga iyo Xashiishka.
Waxa ay sidoo kale sheegeen Saraakiisha Ciidanka Maandoriyaashan dhalinyaro keliya lagu soo qaban, balse waxa jira dad kale ka ganacsada khamriga iyo xashiishka iyo qaar isticmaala oo si dhuumasho ah gudaha magaalada ku soo geliya.