Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda federaalka Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir,sanataro ka tirsan aqalka sare ,gudoomiyaha ururka Haweenka qaranka ,lataliyaal sare oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada,macallimiin iyo marti sharaf kale lagu casuumay.
Agaasimaha Hormarintà macalimiinta wasaaradda waxbarashada mudane Axmed Muuse Xoosh oo munaasabada Furay ayaa Hambalyo u diray Macalimiinta Soomaaliyeed Waxa uuna u mahad celiyay macalimiinta Soomaaliyeed ee xiligii burburkii uu jirnay dhiigooda iyo waqtigooda u huray in ay waxbaraaan arday Soomaaliyeed oo duruufo gaar ah ku jiray.
Axmed macalin cumar oo ah sanatar ka tirsan aqalka sare ayaa isana hambalyo u diray macalimiinta Somaaliyeed meel kasta oo ay jogaan, waxa uuna sheegay in macalinka Soomaaliyeed uu yahay iftiinka wadanka.
Wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada XFS,Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabir) ayaa sheegay in maalinta macalinka Soomaliyeed ay tahay maalin weyn islamarkana ka wasaaradda ahaan ay Ahmiyada koobaad siinayaan macalimiinta Soomaaliyeed.
“Maanta waa maalin weyn ,waa maalin Ummadda Soomaaliyeed magac iyo maamuusn u leh waa maalintii macalinka Soomaaliyeed
Waa maalin qofkasta Soomaali ah looga baahanyahay in uu si gaar ah u soo dhaweeyo,waxaan hambalyo u diraya, macalimiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan,Hadii uusan macalin jiri laheyn horumarka aan maanta aan gaarnay ma gaari laheyn.