Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay Gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.
Kooxda ayaa weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mahad Badal isaga oo ku sugnaa meel aan ka fogeen Goobtiisa Shaqada.
Kooxdii Burcada aheyd ee dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana dad ku sugan Koonfur Afrika ay sheegeen in meydka muwaadinka Soomaaliyeed mudo kadib goobta laga qaaday.
Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkan 2019 waxaa kusii kordhay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsata,waxaana Bishaan gudahaheeda dalkaasi lagu dilay Saddex Muwaadin oo Soomaaliyeed.