Guddiga Agaasimayaasha Fulinta Baanka Adduunka ayaa ansixiyay 50 million oo dollar oo loogu tala galay in wax looga qabto Abaaraha ka jira Soomaaliya .
Waxaa ay sheegeen in lacagtaasi dhawaan ay si deg deg ah usoo gaari doonto Soomaaliya, islamarkaana lagu caawin doono dadkii ay Saameysay Abaartii aadka u darneyd ee ku dhufatay Soomaaliya.
Baanka Adduunka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ka badan 6.7 Million oo qof oo Soomaali ah in ay u baahan yihiin Gargaar deg deg ah.
Gurmadka uu Baanka Adduunka u fidinaayo Soomaaliya ayaa waxaa taageeraya dhowr hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobey.
Lacagtaasi ayaa Mas’uuliyiinta Baanka Adduunka waxa ay ku sheegeen in ay tahay in ay dib usoo kabtaan dadkii ay Abaartu Waxyeeladda daran u geysatay.
Qeybo badan oo ka mid ah dalalka Aduunka ayaa waxaa ku dhufatay Sanadkaan Abaar saameysan dadka iyo duunyadda.