Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada deegaannada Soomaaliland

0
496

Waxaa Maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayaa deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliland,halkaasi oo shalay ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay.

Dibadbaxa ayaa waxaa dhigayay taageerayaasha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, iyada oo uu horay u iclaamiyey Guddoomiyaha Xisbiga,hayeeshee ay diideen taliska Booliska Soomaaliland.

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa waxaa ay xabsiga dhigeen Xubno sar sare oo kamid ah Xisbiga WADDANI, iyaga oo sidoo kale si awood ah kula wareegay Xarumo uu leeyahay Xisbiga oo ku yaalla Hargeysa iyo Gobolada Togdheer iyo Sanaag.

Shalay waxaa kulan gaar ah yeeshay Guddoomiyeyaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID iyo madaweyne kuxigeenadii hore ee Soomaaliland oo ergo ka ahaa Xukuumadda, iyaga oo ka wada hadlay dejinta xaalada ka jirta Soomaaliland.

Xoghayaha abaabulka iyo wacyi gelinta Xisbiga Waddani Cabdilaahi Geel Jire ayaa sheegay in wadahadallo dhacay lagu baajiyey banaanbaxyo ay taageerayaasha Xisbiga ka dhigi lahaayeen deegaanada Soomaaliland.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay aan ka heleyno deegaannada Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaan wax dibadbaxyo ah aysan ka jirin deegaannadaas.