Golaha Wasiirada Puntland oo meelmariyay miisaaniyada 2020-ka

0
565

Golaha Wasiirada Puntland ayaa xalay oo  Isniin ah waxaa ay meelmariyeen odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka.

Odoroska Miisaaniyadda 2020-ka oo dhan $ 346,416,158.99 malyan oo Dollar, ayaa waxaa Golaha u gudbisay wasaaaradda Maaliyadda dowladda Puntland.

Kulanka Gollaha Wasiirada waxaa shir gudoomiyay madaxweyne, Saciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo  madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan iyo xubnaha Wasiirada.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi ka bixiyay Miisaaniyadda 2020-ka, ayaa sheegay lagu saleeyey baahiyaha as’aasiga ah  iyo sida ay u kala mudan yihiin iyadoo lagu xisaabtamaayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaad la heli karo.