Afhayeenka xisbiga Wadani oo Xabsiga loo taxaabay kadib hawlgalo laga sameeyay Hargaysa

0
469

Ciidamo ka Tirsan Booliiska Somaliland ayaa la Wareegay Xaruntii Dhexe Ee Xisbiga Wadani Ee Magaalada Hargesa.

Waxaana Arintaas Caawa ka hadlay Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo Dalbaday in Ciidanka laga qaado Xarunta Xisbiga Wadani .

Afhayeenkii Guud ee Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayay ciidanka boolisku xabsiga u taxaabeen ka dib markii uu galabtay markale ku baaqay Banaanbaxa uu iclaamiyay Hoggaamiyaha xisbiga wadani ciro.

Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi ( Dabo-gale), ayaa sheegay in aanay aqbalayn bannaanbaxyo ay sameeyaan taageerayaasha xisbiga Waddani oo berri ka dhaca Magaalada Hargeysa.

Waxaa uu ugu baaqay Hoggaanka Xisbiga Wadani ay ka laabtaan Banaabaxa, islamarkaana berri ay qaadi doonaan Mas’uuliyadda wixii ka dhasha Banaanbaxyadda.