War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa looga hadlay weerar saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan kuwooda ay ku qaadeen saldhig ciidanka maamulka Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi oo ku bilowday madaafiic uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiis kala duwan.
Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey ay ku dileen illaa 3 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Puntland, kuna dhaawaceen 6 kale, sida ay hadalka u dhigtay..
“Mujaahidiinta ayaa weerar isugu jiray madaafiic iyo dagaal toos ah ku qaaday saldhigga maleeshiyaadka maamulka Ridada Puntland ee deegaanka Af Urur, dhimashadu waa sedax lix kalane waa dhaawacmeen” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al-Shabaab.
Dhinaca kale Puntland ayaa iyana dhankeeda guullo ka sheegtay dagaalkaasi, waxaana sarkaal ka tirsan ciidanka maamulkaasi uu xaqiijiyey in dagaalka uu socday ku dhawaad saacad, islamarkaana ay dib u wiiqeen xoogaggii Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dileen illaa shan shan ka tirsaneyd dableydii weerarka soo qaaday, sida uu hadalka u dhigay.
Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Puntland oo howlgallo cusub ka bilaabay halkaasi.