Dowladda oo baaq u dirtay dadka Al-Shabaab u Caddaalad doonta

0
582

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday  dadka garsoorka iyo cadaaladda u doonta Al-Shabaab in ay joojiyaan, islamarkaana ay ku kalsoonaan Shaqadda ay waddo dowladda dhexe ee Soomaaliya ee ah dib u habeynta Hay’addaha kala duwan ee Garsoorka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Garsoorayaasha Maxkamada looga baahan yahay in ay kasbadaan Kalsoonida Shacabka si aysan u aadin meelaha ay jooggaan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in dowlada ay leeyihiin Shacabka, islamarkaana ay muhiim tahay in aysan meel kale aadin inta la saxayo qaladaadka dhanka Garoorka ah.

Waxyaabaha  la fahansan yahay inay dadka ku dhiirogeliso inay u cadaalad doontaan Al-Shabaab waxaa kamid ah Garsoorayaasha maxkamadaha dowladda oo qaarkood qaata laaluush, taasi oo keenta inay kaga eexadaan dacwadooda.

Garsoorka ayaa kamid ah hay’addaha muhiimka u ah dowladnimada ee uu saameeyay burburkii dalka ka dhacay, taasoo keentay inay shacabka ka aamin baxaan Garsoorka dowlada.