Taliye Ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug waxaana soo dhowayn u sameeyey Saraakiisha Ciidammada Qalabka sida Qaybaha Booliiskuna ugu horeeyaan ee ka Howlgala Galmudug.
Taliye ku xigeenka ayaa Magaalada Dhuusamareeb u tagay dib u habeynta Ciidanka booliska maamulka Galmudug.
Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay la wareegtay Ammaanka degaanadii ay gacanta ku hayeen Ururka Ahlusunna sidda Magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan.