Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

0
552

Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii kala qeyb galay Shirka Dadweynaha iyo Horumarinta ee Nayroobi ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Nayroobi waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb galay shirkan.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa xalay uu kulan xasaasi ah la qaatay dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta,waxana kulankooda ay ku kala saxiixdeen heshiis ay ka mid ahaayeen.

Go’aamada ku cad shirka jaraa’id ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru;

  1. In xiriirka labada dal lagu celiyo sidii caadiga ahayd.
  2. Xoojinta xiriirka ganacsiga ee labada dal.
  3. Duullimaadka tooska ah ee Muqdisho in dib loogu soo celiyo toddobaad gudahiis.
  4. Saraakiisha Dowladda iyo Shaqaalaha Rayidka ah in ay dal ku galka ay ka qaataan Garoomada Nairobi.

Sidoo kale Madaxweyne  Farmaajo ayaa  magaalada Nayroobi kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa ku bogaadiyay dareenka waddaniyeed ee ay u qabaan dalkooda iyo doorka wanaagsan ee ay ka qaataan xal u helista duruufaha ku xeeran.