Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa War Saxaafadeed kasoo saaray Xaaladda dalka iyo Khilaafka ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Madaxdii hore ee dalka.
Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku baaqay in la tixgaliyo Madaxdii dalka soo martay oo uu sheegay in ay leeyihiin Xasaanad.
Guuleed ayaa sidoo kale uga digay Madaxda maanta in ay sameeyaan Muddo kororsi oo uu sheegay in ay ka dhalankarto Khalalaase Siyaasadeed.