Magacyada Xubnaha ku tartamaya xilka Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo la shaaciyay

0
496

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle ayaa Maanta Shaaciyey Xubnaha U tartamaya Xilka Guddoomiyaha.

Xubnahaas oo ah Saddex Xubnood oo Kala ah:

1- Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yusuf Jibriil.
2- Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar).
3- Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashadu sidoo kale waxaana uu ka warbixiyey Xaalada Doorashada Halka ay marayso Isagoo sheegay inay U diyaar garoobeen Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Oo dhici Doonta Malinta Khamista ah ee ku beegan 14-Nov-2019.