Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Duqeyn Uu Ka Fuliyay Jubbada Dhexe

0
513

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa waxaa lagu faah faahiyay duqeyn dhinaca Cirka ah oo saacadihii la soo dhaafay Mareykanka uu ka fuliyay Gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana lagu dilay xubin ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale Mareykanka ayaa waxaa uu tilmaamay in duqeynta wax Khasaaro ah aysan ka soo gaarin dad rayid ah, kadib markii ay baaritaano sameeyeen.

Warka qoraal ah ee ka soo baxay Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa waxaa lagu sheegay in ruuxa duqeynta lagu dilay ee ka tirsanaa Al-shabaab uu xiriir la lahaa ururka Al Qaacidda.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan in duqeyn ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe looga dilay xubin ka tirsaneyd.