Taliyaha Sirdoonka Nigeria Oo Soo Gaaray Muqdisho Lana Kulmay Fahad Yaasiin

0
531

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa booqasho rasmi ah ku yimid Taliyaha Sirdoonka dalka Nigeria Axmed Abubakar Rufaaci.

Taliye Axmed ayaa markii uu soo gaaray Garoonka diyaaradaha Aada Cadde waxaa kusoo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo xubno kale oo ka tirsan NISA.

Intaas kadib Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin ayaa kulan la qaatay Taliyaha Sirdoonka dalka Nigeria oo booqasho laba maalin ah Caasimadda ku yimid.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka arrimaha Sirdoonka ee ka dhexeeya labada Dal, iyagoona wada saxiixday heshiis  isfaham ah oo ku aadan dhanka shaqada.

“Waxaa booqasho shaqo oo laba maalin ah ku yimid Muqdisho Agaasimaha Sirdoonka  Naajeeriya(NIA) Axmed Abubakar Rufaaci, isagoo kulan laqaatay dhigiisa Soomaaliya Fahad Yasin, waxayna kala saxiixdeen isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo dhexmarta labada Hay’adood ee labada dal” ayaa lagu yiri War kasoo baxay NISA.

Si kastaba Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey booqasho ugu yimid taliyeyaasha sirdoonka dalalka Carabta iyo Afrika.