Taliyaha guud ee ciidamada booliska Kenya Hillary Mutyambai ayaa sheegay in shaqada laga joojiyay afar askari oo muuqaal laga arkay iyagoo garaacaya arday jaamacadeed, sidoo kalena laga qaadi doono tallaabooyin dheeraad ah oo dhinaca anshaxa ah.
Muuqaal ay dad badan daawashadiisa dhibsadeen ayaa ku faafay Kenya, waxaana laga arkayay ciidanka ka hortagga rabshadaha oo loogu yeeray inay kala eryaan arday mudaharaadeysay, kuwaasoo qaarkood ay haraanti madaxa kala dhacayeen nin aan hubeysneyn.
Booliska Kenya ayaa xilliggaas loo daabulay jaamacadda Jomo Kenyatta ee ku taal magaalada Juja ee waqooyiga Nairobi kaddib markii ardeyda ay halkaas ka dhigeen dibadbaxyo looga soo horjeedo amni darrada, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.