Dowladda oo soo bandhigtay dalalka deynta ku leh Somalia

0
515

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedeeralka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Maanta Shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya dalka Deynta ugu badan uu ku leeyahay Mareykanka taas oo gaareysa 1 Bilyan oo Dollar,halka Rushka uu ku leeyahay 700 oo Milyan iyo Talyaaniga oo Soomaaliya ku leh 600 Milyan iyo dalal kale.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wadamada lacagta ku leh Soomaaliya  ay la shireen ayna go”an kugaareen in Soomaaliya deynta laga cafiyo.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Madaxwayne kuxigeenka Bangiga Aduunka ee Muqdisho yimid uu sheegay in Soomaaliya ay u haayaan lacag dhan 700 oo milyan oo ay heleyso Saddexda sano ee soo socota.

Dhanka kale waxa uu sheegay Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle in miisaaniyadda dalka ay kobcayso taasna ay sababtay in Ciidanka qalabka sida oo uu tilmaamay in ay markii hore ay qaadan jireen 130 doolar hadda loogu daro 70 doolar sidaasna ay kuqaataan lacag dhan  200 oo Dollar.