Xasan Sheekh Iyo Sheekh Shariif Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Baladweyne

0
461

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa ku wajahan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed.

Safarka Baladweyne ay ku tegayaan Madaxweyneyaashii hore ee dalk ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran, iyagoona saacadaha soo socda tagaya halkaas.

Sidoo kale Madaxdan oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Maanta Magaalada Baladweyne waxaa ay gaarsiin doonaan gargaar loogu talagalay dadkii ku barakacay fatahaadii ka dhacday Baladweyne.

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa sheegtay inay ka qeyb qaadan doonaan gurmadka loo sameeynayo dadkii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, isla markaana ay gaarsiin doonaan gargaar.

Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa dhawaan ku dhawaaqday in $200,000 (Laba boqol iyo konton kun Dollar) ay ugu deeqeen gargaar oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee Fatahaaduhu saameeyeen.