Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku tegay degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegay in dadka ku nool degmadaasi ay heystaan dhibaatooyin kala duwan oo ka dhashay daadad kusoo rogmaday.
Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed iyo Shacabka deegaannada Maamulkaas ay bixiyeen juhdi farabadan,isla markaana ay kaalintooda ka qaateen caawinta dadka ka barakacay daadadka ka dhashay roobkii ka da’ay gobolka Baay.
Waxaa uu Ra’iisul Wasaare Kheyre uu baaq u diray hay’adaha Gargaarka iyo cid kasta oo wax awooda inay gurmad la soo gaarto Shacbaka degmada Bardaale ee Gobolka Baay.