Maareeye Cusub oo loo Magacaabey Garoonka Diyaaradaha Baladweyne

0
519

amulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa Maareeye Cusub ay u Magacaabeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraam, iyada oo xilkii laga qaaday mareeyihii hore.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Kusimaha Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Hir-Shabeelle ahna wasiir kuxigeenka Wasaaaradda ayaa waxaa xilka maareeyaha Cusub ee Garoonka Diyaaradaha Baladweyne loogu Magacaabey Yuusuf Axmed Diiriye.

Garoonka Diyaaradaha Baladweyne ayaa xilligana waxaa uu u baahan yahay gurmad kala duwan,isla markaana markii uu Roob da’o uu garoonkaas xirmo.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista maareeyaha Cusub ee Garoonka Diyaaradaha Baladweyne.