Degmooyin ka mid ah gobolka Sanaag ayaa maanta waxaa ka socda kulamo looga soo horjeedo maamulka Puntland, kulamadaan ayaa ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed.
Odayaasha iyo qeybaha kala duwan bulshada gobolka Sanaag, waxay si cad u sheegeen in aysan ka mid ahaan doonin maamulka Puntland, maadaama Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland oo matalaad ahaan kasoo jeeday gobolka Sanaag si xoog ah xilka looga qaaday.
Gudoomiyihii xilka laga qaaday ayaa dib ugu laabtay gobolka Sanaag, islamarkaana kulamada kala duwan la leh bulshadda gobolka Sanaag.
Banaanbaxyo ayaa ka dhacay degmooyinka gobolka Sanaag oo looga soo horjeeday Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay sheegeen dadka degaanka in uu abaabulay qorshihii xilka looga tuuray Gudoomiye Dhoobo.
Madaxweynaha Puntland ayay sheegeen in uusan wixii haatan ka dambeeya ku xisaabtamin gobolka Sanaag kana tashan doonaan xukuumaddiisa.