Ciidamo ka tirsan Ahlusunna oo isku dhiibay Dowladda

0
522

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Saraakiisha Ciidanka dowlada ee Galgaduud Cabdullaahi Daahir Rooble Cadde oo ahaa taliyihii maamulka Ahlusunna oo ku jiray Ciidamo dhawaan ka baxay Guriceel markii Ciidanka dowladda la wareegeen ayaa isku dhiibay Saraakiisha Ciidanka dowlada ee ku sugan Dhuusamareeb.

Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa ku guuleystay in la xaliyo tabashada ay qabeen Saraakiisha Ahlusunna ee ka baxay Magaalooyinkii ay kala wareegeen Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay in uu inta badan gacanta ku haayay hubka iyo gaadiidka Ururka Ahlusunna oo Muddo dagaal kula jiray Al-Shabaab, islamarkaana ka howlgalaayay degmooyinkii Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan.

Qeyb ka mid ah Ciidanka Ahlusunna oo dhawaan ka baxay degmooyinka Matabaan iyo Guriceel ayaa ugu dambeyntii xalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb ka dib hadal ay la galeen Saraakiisha qeybta 21-aad.