SAWIRO: Labo diyaaradood oo gargaar sidda oo gaaray Guriceel

0
573

Laba diyaaradood oo gargaar u sida magalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Gargaarka ayaa waxa la socday wasiirka boostada iyo isgarsiinta XFS mudane Cabdi Canshuur Xasan. Deeqdaan ayaa lagu tala galay in la gaarsiiyo Shacabka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne ee ay saameeyeen Fatahaada Wabiga Shabeelle. Sababta looga dejiyay Magaalada Guriceel ayaa ah in uu xiran yahay Garoonka Magaalada Beledweyne oo ay xireen roobab xooggan oo ka da’ay maalmihii ugu dambeeyay.