Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu waddaa in uu maanta booqdo Saldhiga Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degaanka Bali doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Mudane Kheyre ayaa lagu waddaa in uu la kulmo Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaanka Bali doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxaa uu sheegay in ciidamada halkaasi ku sugan ay qaadi doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay qaatay Mushaarkii ay xaqa u lahaayeen ,waxaana ay hadda isku diyaarinayaan dagaal.