gaari yar oo ay wateen Macalin ku xigeenka kooxda Bariga Dhexe iyo Laba Cayaartoy oo ka tirsan Kooxda Elman ayaa waxaa lagu Rasaaseeyay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, gelinkii dambe ee maanta.
Tabare ku xigeenkii Kooxda Bariga Dhexe oo ka dhisan Degmada Afgooye ayaa ku dhintay Rasaastaasi, waxaana la dhaawacay C/laahi Mayow oo kooxda Elman u wata Lambarka 24-aad iyo Cumar Muumin Cumar oo kooxda Elman u wata Lambarka 7-aad.
Xoghayaha kooxda Elman Maxamed Cumar Moha oo la hadlay Risaala ayaa xaqiijiyay warkan, wuxuuna sheegay Tababare ku xigeenkii Kooxda Bariga Dhexe in uu dhintay, halka Cayaartoyda dhaawacantayna lagu daweynayo Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, xaaladoodana ay aad u adagtahay.
Wuxuu kaloo sheegay Xoghayaha in maanta la fasaxay Cayaartoyda ayna ku sii jeedeen Guryahooda oo ku yaalla Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.