Golaha shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho.

0
475

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka soomaliya  ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Mudanayaashana ayaa xalay loo diray fariimo lagu wargelinayo in ay yimaadaan kalfadhiga maanta ay yeelanayaan golaha.

Ajandaha looga hadlayo kalfadhiga golaha shacabka ee  baarlamanka soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah akhrinta labaad ee heshiishka ka mid noqoshada  hay’adda damaanada darafyada badan .