Dowladda oo Taliye Cusub u Magacaawday Saldhiga Guriceel

0
513

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay taliye Cusub u Magacaabeen Saldhiga Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo shalay ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Degmada Guriceel ayaa waxaa horay u maamulayay Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca,hayeeshee shalay ay kala baxeen Ciidamadooda,kadib khilaaf soo kala dhex-galay Dowladda Federaalka iyo Ahlusunna.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa Taliyaha Saldhiga Booliska Gurceeel u Magacaabeen Zakariye Cali,waxaana shalay uu si rasmi ah ay ula wareegeen,isaga iyo Ciidamo uu wata Saldhiga Booliska degmada Guriceel.