Ahlusunno oo lagala wareegay gacanta ku heynta degmada Matabaan

0
539

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ka dib markii Ciidamo ka tirsan Ahlusunna ay hor istaageen Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Magaalada u socday.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u xaqiijiyay in dagaal kooban uu ka dhacay Magaalada, islamarkaana Ciidanka Ahlusunna ay ka baxeen.

Ciidanka Ahlusunna ayaa hadda ku sugan duleedka degmada Matabaan, waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in Ahlusunna ay waddo Aruursi Ciidan.