Muhaajiriin lagu bad-baadinayey xeebaha Libya oo la rasaaseeyey

0
471

Sea-Eye oo ah Hay’ada aan dowliga ahayn ee Jarmalka  ayaa sheegtay dooni ay saaran yihiin saaran Shaqaallaha Hay’adda rasaas lagu  furay, xilli ay isku dayayeen inay bad-baadiyaan muhaajiriin halis ku wajayey badda Meditareeniyaanka.

Dhacadadan ayaa dhacday sabtidii (26-kii October), ayada oo xubnaha hay’adda Sea-Eye ay saarnaayeen doon yar oo laga soo dejiyey markabka Alan Kurdi, islamarkaana isku dayeysay inay soo qaadaan 90 muhaajiriin ah oo doontoodii oo bac ka sameysneyd ay aaryo baxeysay.

Kadib ayaa doon xawaare dheereysa oo uu ka taagan yahay calanka Libya, islamarkaana uu dul saaran yahay nin sita qori daran-doori u dhaca waxay timid goobtii lagu bad-baadinayey muhaajiriinta.

Qaar ka mid ah muhaajiriinta ayaa la saaray doontii Libyan-ka, hase yeeshee qaar kale ayaa la arkayey ayaga oo ka boodaya doontoodii una dabaalanaya si ay u gaaraan markabka Alan Kurdi.

Sea-Eye ayaa bayaan ay goor dambe soo saartay ku sheegtay in dhammaan 90-ka qof lasoo bad-baadiyey, lana saaray markabka Alan Kurdi, hase yeeshee doontii Libyan-ka ay kadib kaxeysatay qaar ka mid ah muhaajiriinta

Wasiirada arrimaha gudaha shan dal oo ka mid ah Midowga Yurub ayaa bishii tagtay sheegay inay isku raaceen qorshe ay ku qeybsanayaan muhaajiriinta laga soo bad-baadiyo badda Meditareeniyaanka, heshiiskan oo looga gol leeyahay in culeyska looga qaado dalalka ku yaalla Koonfurta Yurub ee ka tirsan Midowga Yurub.