Weli waxaa Magaalada Baladweyne laga baadi goobayaa dadkii ay doonta kula qalibantay,waxaana jira meydad Maanta laga helay fatahaada Wabiga Shabeelle.
Guddiga loo xilsaaray baadi-goobka dadkaas ayaa waxaa ay sheegeen in Maanta la helay ilaa Shan ruux oo Afar kamid ah ay iyaga soo saareen halka midka kale dadweynaha Baladweyne qaarkood ay soo saareen.
11 Ruux ayaa horay loo xaqiijiyey in Nolol iyo Geeri lagu la’yahay,waxaana Maanta la soo saarey 5 kamid ah, iyada oo weli la la’yahay 6 kale,waxaana meydadka la helay kamid ah Guddoomiyihii Dhalinyarada Degmada Shibis Guuleed Ibraahim,Sharmarke Khaliif Hassan Xoghayaha Dowlada Hoose ee Baladweyne, Naaquudihii doonida rogmatay oo lagu Magacaabi jiray Muscab Xuseen muuto iyo Deeqow Abdi Cariif Agaasimaha waaxda Nadaafada dowlada Hoose ee Baladweyne.
Dhalinyaro ka socota Hay’adda Bisha Cas Xruntooda Baladweyne iyo qaar kamid ah dadka Shacbaka ah ayaa ka qeyb-qaadanaya sidii Nolol ama geeri loogu heli lahaa dadkii ay la qalibantay Doontii shalay.
Xaalada Magaalada Baladweyne ayaa haatan ah mid aan wanaagsaneyn,waxaana jiray dadaalo ay wadaan Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle oo ku aadan in dadka ay waxyeelen fatahaadaha loo gurmado.