Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay degmada Cabudwaaq

0
484

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaal laba maleeshiyo Beeleed Maanta ku dhexmaray degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii labada maleeshiyo beeleed ay isku qabsadeen dhul ku yaalla banaanba degmada Cabudwaaq gaar ahaan Xaafad lagu Magacaabo Ceel-Gargaar oo ah duleedka Bariga Cabudwaaq,waxaana taasi ay sababtay inay wada dagaalamaan.

Dagaalka ayaa dad ku sugan degmada Cabudwaaq waxaa ay sheegen in uu ku geeriyooday hal Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Goobta dagaalka uu ka dhacay  ay gaareen Ciidamo katirsan kuwa Booliska iyo Nabadsugida Galmudug,isla markaana ay kala dhex-galeen maleeshiyaadka dagaalamay.

Wararkii ugu dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degam,isla markaana la kala dhex-galay maleeshiyaadka dagaalamay.