Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyey deegaano horleh

0
575

Wabiga Shabeelle ayaa waxaa uu fatahaad horleh ka sameeyey deegano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaano hoostaga Mgaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay,waxaana badi dadkii ku noolaa deegaanadaas ay ka barakaceen.

Tuulooyinka saacadihii la soo dhaafay uu fatahaada ka sameeyey Wabiga Shabeelle ayaa waxaa kamid ah, Buurfuule,Buulo Sabuun, Muriyaale,Lamawaab, Xudur Ciise, Kulmis Weyne iyo Dagmada Mahadaay.

Guddoomiyaha tuulada Buurfuulo oo hoostagta degmada mahadaay  Cabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay in in ka badan 300 oo ruux ay tuuladaasi ka barakaceem,waxaana Madaxda Hir-Shabeelle uu ugu baaqay inay gurmad u fidiyaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay macquul tahay in maalmaha soo socdo ay sii kordhaan fatahaada uu sameynayo Wabiga,isla markaana Wabiga uu gooyey dalagyada Beero badan oo ku yaalla tuulada  Buurfuule.

Dhinaca kale wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim dhaqare ayaa Hay’adda FOA ku eedeeyey inaysan fulin waxyaabo lagu balamay,isla markaana ay sabab u tahay in aan la dayactirin Wabiga Shabeelle si looga hortago fatahaada.

Si kastaba Wabiga Shabelele ee mara Gobolada Hiiraan iyo Shabeellooyinka ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu fatahaad ka sameeyo deegaano ka tirsan Goboladaas, iyada oo dadka ay bilaabeen inay barakacaan.