Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Gantaalo lagu garaacay Xarun Ciidan oo Al Shabaab ay ku leeyihiin degmada Saakow ee Gobalka Jubbada dhaxe.
Saraakiil katirsan Xoogga Dalka ayaa Radio Cadaado u Xaqiijiyay In Weerar dhanka hawada ah lagu qaaday Saldhigg Dagaalamayaasha Al Shabaab ay ku leeyihiin Degmada Saakow oo mudo Gacantooda ku jirta.
Sido kale Saraakiisha ayaa Xaqiijiyay Duqeynta in lagu dilay Saraakiil iyo Ilaaladooda oo ku sugnaa gudaha Saldhig Ciidan oo ku yaalla Gobalka Jubbada dhaxe.
Warka kasoo baxay Saraakiisha laguma Soo bandhigin Magacyada ama tirada Ciidamada Iyo Saraakiisha Al Shabaab looga dilay Weerarkaasi Duqeymaha ahaa.
Wali wax war ah kama soo bixin Al Shabaab oo lala Xiriirinaayo Duqeynta ka dhacday Magaalada Saakow.
Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya ayaa kordhiyay Weerarada dhanka Cirka ah ee ka dhanka ah Saraakiisha Al Shabaab.