Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan oo Maanta gaaray Halkaas.
Soo dhaweynta kadib Madaxweynaha iyo Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Mr James Swan ayaa waxaa ay wada qaateen kulan xasaasi ah oo looga hadlay Arrimo dhowr ah.
Intaasi kadib Madaxweynaha Puntland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka wada hadleen Arrimaha Siyaasada,Dhaqaalaha iyo Amniga,isla markaana ay uga mahad celiyeen howlaha Hay’adaha UN-ka ay ka wadaan gudaha Puntland.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay ka wada sheekeysteen horumarka siyaasadeed ee dalka kajira,isla markaana ay iska qireen in xilligaan dalka uu u baahan yahay in wadahadal wax walba lagu dhameeyo.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in sidoo kale ay ka wada hadleen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland,isla markaana Puntland ay kaalinteeda ka qaadato.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swam ayaa dhankiisa sheegay in dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ugu baaqay in ay soo celiyaan wada-shaqeyntii dhexdooda, isla markaasna la xalliyo khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland.