Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo qeyb ka ah dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka.
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaayay Munaasabad kooban oo ka dhacday Madaxtooyadda ayaa sheegay in Sharciggaan uu xoojinaayo sare u qaadida daqliga Gudaha, islamarkaana loo baahan yahay in la taageero.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Sharciggaan uu Cadeynaayo Xuquuqda dadka Canshuurta Bixiya iyo kuwa qaadda.
Waxaa uu amray in la hirgaliyo sidda ugu dhaqsiyaha badan.
Sharcigaan ayaa horay u soo maray Golaha Wasiiradda, Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.