Kulan ay Maanta Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka jubbaland ku yeesheen Xildhibaannada Maamulkaas ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Madaxweyne kuxigeenada Jubbaland ee uu markale Magacaabey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Xubnaha Baarlamaanka ayaa dood dheer kadib waxaa ay ansixiyeen Magacaabida labada Madaxweyne kuxigeen ee Jubbaland,kuwaas oo kala ah Madaxweyne kuxigeenka 1aad Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne kuxigeenka 2aad Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere).
Sidoo kale Madaxweyne kuxigeennada 1aad iyo 2aad ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu hor dhaariyey isla goobta,waxaana lagula dardaarmay inay Shaqooyinkooda sida caadiga ah u qabsadaan.
22-kii Bishaan ayaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam waxaa uu Magacaabey labadiisa kuxigeen,kuwaas oo xilkaasi haayay Afartii sano ee la soo dhaafay.