Madaxweyne Waare oo Magacaabey Guddiga gurmadka fatahaadaha

0
488

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa  Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Wabiga Shabeelle,kuwaas oo ka qeyb-qaadan doona gurmadka loo sameynayo dadka uu saameeyey fatahaada uu sameeyey Wabiga Shabeelle.

Guddigaan oo ka kooban 14 Xubnood ayaa laga soo kala xulay xubnaha Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle, iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Guddiga gurmadka fatahaadaha oo uu Magacaabey Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu dhankiisa Magacaabey Guddiga gurmadka fatahaadaha.