Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka oo gaaray Kismaayo

0
516

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa gaaray magaaladda Kismaayo.

Guddiga waxaa garoonka diyaaraha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha baarlamaaanka Jubbaland Sheekh Cabdi.

Ujeedkooda safarkooda ay ku gaareen magaaladda Kismaayo ayaa ah sidii ay wadatashiyo ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka ula yeelan la haayeen mas’uuliyiinta maamuul Goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Jubbaland.

Safarkaan ayaa noqonaayo kii Saddexaad oo ay guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ku tagaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe ee Soomaaliya.