Khilaafka ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Ururka Ahlusunna ayaa xoogeystay ka dib markii maanta ay Ahlusunna ku dhawaaqeen Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku guuldareystay in uu xaliyo Khilaafka.
Ahlusunna ayaa ku eedeeysay dowladda dhexe ee Soomaaliya in dhammaan ay ka baxday heshiiskii ay horay u wada gaareen.
Qoraal kasoo baxay Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa lagu Magacaabey Guddigaas oo ka kooban 11 xubnood, waxaana lagu sheegay in uu ku saleysan yahay heshiiskii ay wada galeen Dowladda federaalka iyo Maamulka Galmudug.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa horay waxaa ay u Mgacaawday Guddiga farsamada iyo Dhismaha Galmudug,hayeeshee hoggaanka Ahlusunna ay qaadaceen.
Xaaladda Galmudug ayaa hadda ah Mid Cakiran, waxaana Ahlusunna ay sheegtay in Guddiga sidda ugu dhaqsiyaha badan loo howlgalin doono.