Dowladda oo war ka soo saartay Cabsida laga qabo fatahaada

0
489

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war waxaa ay ka soo saartay Cabsida laga qabo in wabiyada Shabeelle iyo Jubba ay fatahaad ka sameeyaan gobollada dalka qaarkood.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in qeybo badan oo kamid ah dalka uu ka da’ay Roobka Deyrta,isla markaana taasina ay sababtay in abaaro ka jiray gobolada qaar ay dhamaato.

Waxaa uu sheegay in taasi ka sokoow ay jiraan fatahaado laga cabsi qabo inay sameeyeen wabiyada Shabeelle iyo Jubbaland,isla markaana xaafado katirsan Bladweyne ay bilaawdeen in laga barakaco,

Sidoo kalena deegaannada laga cabsi qabo ayuu sheegay inay kamid yihiin degmada baardheere,deegaanka Awdiinle iyo tuulooyin badan oo hoostaga Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle.

Ugu Dambeyn waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay wado diyaar garoow ku aadan inay u gurmato dadka ka barakacay fatahaadaha,waxaana uu ugu baaqay inay ka digtoonaadaan goobaha ay ka dhici karto fatahaadaha.