Taliyeyaal uu Magacaabey Madaxweyne Farmaajo oo xilalka la wareegay

0
515

Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Sareeyo Guuto Cabdi Xamiid Maxamed Dirir ayaa ka qabsoontay hoolka Wasaarada Gaashandhiga Ee Magaalada Muqdisho

Munaasabadda waxaa ka qe ka qayb galay Saraakiil iyo Wasiiro Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Sareeyo Guuto Odawaa Yuusuf Raage iyo Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/guuto Odawaa Yuusuf Raage oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa uga mahadceliyay shacabka sida ay ciidanka uga gacan siinayaan howl-gallada ka socda gobollada dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa ka sheekeeyey marxalidihii kala duwanaa oo uu soo maray Ciidamada xoogga dalka iyo sida uu hadda yahay iyo qorshaha xiga ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.