Gaari Ciidan oo Muqdisho ku dilay Afar Dhalinyro ah

0
519

Caawa fiidkii ayaa Gaari nooca dagaalka ee loo yaqaano Cabdi Bilaha oo ay leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxaa uu agagaarka Ex-Koontorool Afgooye uu ku jiiray Afar Mooto Bajaaj oo halkaasi marayay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Mootooyinka oo marayay meel dhowr tallaabo u jirta Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye uu ku yimid Gaariga Cabdi Bilaha ah,isla markaana uu dardaray,sidaasina ay ku geeriyoodeen Afar Dhalinyaro ah oo waday Afar Mooto oo uu Gaariga Cabdi Bilaha ah dulmaray.

Sidoo kale Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ka sokoow Geerida Afarta Dhalinyarada ah ay gebi ahaanba burbureen Afarta Mooto Bajaaj oo uu dardaray Gaariga.

Saraakiil Ciidan ayaa Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho waxaa ay u sheegeen in askarigii darawalka ka ahaa Gaariga Cabdi Bilaha ah gacanta lagu haayo xabsigana la dhigay.

Si kastaba dilkan loo geystay Afarta Darawal Mooto Bajaaj ayaa waxaa uu kusoobl aadayaa xilli Maanta barqadii askari katirsan Ciidamada Dowladda uu darawal Bajaajle ahaa uu ku dilay Ex-Koontorool Afgooye