Wararkii Ugu Dambeeyay Mas’uul Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

0
471

Kooxo ku hubesynaa Bastoolado ayaa xalay  Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ku dileen Nin la sheegay inuu ahaa Mas’uul ka tirsan Puntland.

Xasan Cabdulle Hiraabe (Xasan Weyne) oo ah Marxuumka dhintay ayaa waxaa la tilmaamay inuu ahaa Taliyihii kastamada  ee Wasaarada Maaliyada Puntland ee Gobolka Mudug,waxaana la toogtay xili uu ku sugnaa Xaafad ka tirsan Waqooyiga Gaalkacyo.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragii ka dambeeyay falkaas ee ku hubeysnaa Bastooladaha goobta ay ugu baxsadeen luuq yar oo halkaas ku yaallay.

Sidoo kale Qaar kamid ah Ehelada Xasan Weyne iyo Ciidamo ka tirsan laamaha amniga Gaalkacyo ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay,isla markaana kasoo qaaday Meydka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xuseen Cabdulle horey u soo noqday Mas’uul ka tirsan Golihii deegaanka ee Gaalkacy iyo ku-xigeenka Duqa Magaalada.