Madaxweynaha Hirshabeelle oo si adag uga hadlay arrinta maqaamka Gobolka Banaadir

0
691

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa ka hadlay maqaamka Gobolka Banaadir, isagoo ku baaqay inay waajib tahay in Gobolka Banaadir heli xuquuqdiisa, isagoo taageeray in dadka deegaanka ay ka tashtaan aayahooda.

Cali Cosoble ayaa sheegay in Muqdisho iyo Banaadir ay labo kala tahay, isagoo xusay in Banaadir ay tahay deegaan dad leeyahay oo fac ka fac soo jiray iyo Muqdisho ay tahay Caasimadii dalka.

“Muqdisho iyo Gobolka Banaadir labo ayay kala tahay, meesha uu qaladka ka jira waa midaas, Muqdisho waa caasimadda dalka, waxaa ku taala, Madaxtooyadii, Safaaradaha ayaa degan, Garoonka diyaaradaha iyo Dekeda, laakiin Gobolka Banaadir waa gobol waa deegaan, dad fac ka fac degenaa, dadka ayaa deegaanka is ka leh, in gobolka banaadir sababta uu u jiro micnaheeda waxa weeyaan inuu yahay deegaan dad leeyahay”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Waxaa uu sheegay in Gobolka Banaadir ay xuquuqdiisa dhiman tahay, isagoo xusay in saddex milyan ka badna ku nool yihiin, waxaa uu soo jeediyay si aysan cuqdad u gelin in dadka ku nool ay aayahooda ka taliyaan.

“Muqdisho waa magaalo madaxda dalka, qof walba waa og yahay, Muqdisho markaa ka hadleyso iyo markaa Banaadir ka hadleyso waa kala miisaan, banaadir reer banaadir is ka leh, dadka deegaanka is ka leh”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle oo intaa ku daray in nidaamka federaalka uu yahay mid dib u heshiisiin.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay shirar lagu raadinayo xuquuqda Gobolka Banaadir, isla markaana uu u noqdo gobol matalaad ku leh siyaasada dalka, maadaama aanu wax xubin ah ku laheyn Aqalka sare.