Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta dalkaasi ay kooxo Burcad ah boob ugu geysteen Goobo Ganacsi oo ay leeyihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed.
Goobaha Ganacsi oo ay lahaayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed ee la boobay oo gaaraya ilaa 4 Dukaan ayaa waxaa ay ku yaallaan Tuulada Tigline oo qiyaastii 50km u jirta Magaalada Tzaneen,sida uu xaqiijiyey Ganacsade Axmed Cusmaan oo ka mid ah Soomaalida daggan Gobalkaasi.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey kale in tiro Dukaamo ah oo ay Itoobiyaan iyo Hindi leeyihiin cagta lagu mariyey Boobka socda,isla markaana ay macquul tahay in goobo kale oo hor leh in la boobo.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaaa aalaaba ka dhaca Weeraro noocaan oo kale ah oo saameeyey Muwaadiniinta Soomaaliyeed,waxaana weli jirin cid ka hadashay oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo tan Koonfur Afrika..