Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Go’aanka ay ku dhawaaqday ICJ

0
470

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladdu ogoshahay go’aanka maxkamada oo noqon doona mid kama dambeys ah.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ku qanacday go’aanka Maxkamadda, islamarkaana ay diyaarsan doonto qorshaheeda xilliga loogu tala galay in la yimaado Maxkamadda ee ku cad dib u dhigista maanta lagu dhawaaqay.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay horay u diiday Go’aanka in dib loo dhigo Maxkamadda laakiin aysan ka weyn Garsoorka Maxkamadda oo go’aamada Maxkamada leh.

Maxkamada ICJ waxay galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12, 2020. Iyadoo go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin.

4-ta bisha Noofembar ee soo socota ayaa lagu waday in la dhageysto Dacwadda labadda dal, laakiin dowladda Kenya si cad uga Cudurdaaratay.